Ugu yaraan 22-qof oo lagu dilay Duqeyn ka dhacday Galbeedka Yemen.

Diyaaradaha Dagaalka ee  Isbahaysiga Sacuudiga ayaa la sheegay inay duqeeyeen Suuq lagu iibiyo Qaadka oo ku yaalla Degmadda Khokha ee u dhow Degmadda Xudeydah ee kaabiga ku haysa Badda Cas.

Saraakiisha Deegaanka ayaa iyagana sheegay inuu dab xooggan ka kacay Suuqaasi oo xalay la duqeeyey, waxayna Kooxaha Gurmadka dadaal u galeen sidii loo damin lahaa Dabkaasi iyo inay maydad gubtay ka soo saaraan Suuqaasi

Ku-xigeenka GuddoomiyahaDegmadda Xudeyda, Haashim Casasi waxa uu sheegay in la aqoonsan waayey maydadka oo xusay inay wada ahaayeen dad rayid ah.

Dhinaca kale, Afhayeenka Isbahaysiga Sacuudiga, waxa u uka gaabsaday inuu ka hadlo weerarkaasi lagu dilay dadka rayidka ee ku sugnaa Suuqa Qaadka.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media