11- Askari oo lagu dilay Bartamaha dalka Hindiya.

Hadal ka soo baxay Boliska dalkaasi ayaa lagu sheegay in Askartaasi maanta lagu dilay weerar jid-gal ah oo ay fuliyeen xubno ka tirsan Maleeshiyadda Maawistaha ee Gooni-goosad-doonka ah.
weerarkaasi oo ka dhacay Deegaanka Kaymaha badan ee Sukma, waxaa kaloo lagu dhaawacy 3 Askari, mana kala cadda khasaaraha soo gaaray Maleeshiyadda.
Kooxdaasi oo sheegata inay rumeysan yihiin Aragtidii Hoggaamiyihii Kacaankii Shuuciga ee dalka Shiinaha, Maw Zedong ayaa waxay in ka badan 30-sanno dagaal ka wadaan 20-Gobal oo ka mid ah 29-ka Gobal ee uu ka kooban yahay dalka Hindiya, iyagoo codsanaya in saami ballaaran laga siiyo Dakhliga ka soo xerooda Goballadaasi.
Dhinaca kale, Xisbiga haya talada dalkaasi ayaa la sheegay inuu ku horreeyo Tijaabadda Doorashadda dalkaasi ka dhici doonta sannadka 2019-ka.
Xisbiga Ra’isul-waaare Narendara Moodi ee Bharatiya Janat Party ayaa la sheegay inuu taageero xooggan ka helay Gobalka Utaar Paradesh oo y ku nool yihiin 220-million oo qof.
©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media