Taliyaha Ciiddanka Uganda, Jeneral Edward Katumba Wamala oo maalmahan booqasho ku joogay Muqdisho waxa uu hadalkaasi ka sheegay mar uu la kulmay Ciiddan ka tirsan Hawlgalka AMISOM, wuxuuna carrabka ku dhuftay inay Taageeradaasi xoojinayso sidii loo xaqiijin lahaa Ammaanka Somalia.
“Nabadda haatan ka jirta Somalia waxay muujinaysaa inay xaalladda soo hagaagayso, iyadoo dad badan noloshooda ku waayeen dhulkan” ayuu yiri Jeneral Edward Katumba Wamala, oo intaasi ku daray inay ka go’an tahay inay Walaalahooda Afrikaanka ka taageeraan sidii ay dib ugu hanan lahaayeen Nabadda dalkooda.
Waxa kale oo uu Ciiddanka AMISOM ku amnmaanay doorkooda Nidaamka Doorashadda ee Somalia, isagoo Doorashadda Somalia ku tilmaamay Tallaabo Taariikhi ah.
Dhinaca kale, Jeneral Edward Katumba Wamala waxa uu Kulamo la qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu u gudbiyey Dhambaal Qoraal oo uu u soo diray Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, inkastoo aan la shaacinin nuxurka Fariinntaasi.
©Radio Dalsan