Afhayenka Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka, John Kirby ayaa sheegay inay Dowladda Maraykanka ka walaacsan tahay wararka sheegayo inay cabsi-gelin, musuq iyo qaladaad kale horey u haraysay Nidaamka Doorashadda Somalia.
War-saxaafadeed uu soo saaray ayuu ku sheegay in loo baahan yahay in mudnaanta la siiyo Jadwalka Waqtiyeysan ee la qaban doono Afhayeenadda Labada Aqal ee Barlamaanka Federalka Somalia, wuxuuna ku baaqay in la hubiyo Kalsoonida iyo Dhaqaajinta Dhismaha Ajendaha Qaranka Somalia.
Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka waxa kale oo uu ugu baaqay Madasha Hoggaaminta Qaranka ee NLF inay xushmeeyaan dadaalka Guddiyadda Doorashadda si loo qabto Doorasho Hufan iyo in la buuxiyo Kuraasta ka harsan Barlamaanka iyo in la hubiyo Kuraasta loo qoondeeyey Haweeenka.
©Radio Dalsan