Madaxweynaha Turkiga ayaa mar kale ku celiyay sida uu uga soo horjeedo in dalalka Finland iyo Sweden ay ku biiraan gaashaanbuurta Nato. Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in aysan u baahnayn wufuud ku qancisa in dalalkan ay xubin ka noqdaan Nato.Waxa uu si weyn uga carooday tallaabada dalalkan ay ku marti galinayaan kooxaha Kurdiyiinta.Mar sii horreysay dowladda Sweden aya si rasmi ugu dhawaaqday go’aankeeda ah in ay ku biirayso Nato.Sidoo kale Finland ayaa horey u sheegtay in ay doonayso in ay xubin ka noqoto Nato.
Madaxweyne Erdogan waxa uu sheegay in Turkiga uu ka soo horjeedo hindisaha Finland iyo Sweden ee ku biirista Nato, isagoo ku tilmaamay Sweden inay tahay “Gabbaadka” ururrada argagixisada ah.