Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa tan iyo markii la doortay waxaa uu Muqdisho ka wadaa kulamo aan kala joogsi lahayn, oo uu la leeyahay siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta kala duwan ee Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada.
Xasan Sheikh ayaa saacadihii ugu dambeeyay la kulmay qaar ka mid ah Madaxda maamul Goboleedyada dalka, kuwaasi oo kusoo booqosho ugu imaanayay xaruntiisa.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa booqasho, hambalyo iyo salaan ugu tagay Madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ku aaddan siyaasadda dalka.
Sidoo kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xalay dhankiisa booqasho, hambalyo iyo salaan ugu tagay Mdaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamud, waxa uuna u rajeeyay in Alle ku guuleeyo Masuuliyada Qaran ee loo doortay.