Wakaalladda Wararka ANADOLU AGENCY ayaa sheegtay in la xiray 4 qof oo doonaysay inay weeraraan Safaaradaha ay Dowladaha Britain iyo Jarmalka ku leeyihiin caasimadda dalka Turkiga ee Ankara.
Tallaabdda lagu xiray dadkaasi ayaa timid, kadib, markii Xafiiska Arrimaha Dibedda Britain sheegeen in sababo dhinaca Ammaanka loo xiray Safaaradda ay ku leeyihiin Caasimadda Turkiga ee Ankara.
Sidoo kale, Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay inay Safaaradooda ku taalla Ankara xadideen Adeegyaddii ay bixin jirtay sababo dhinaca Ammaanka.
Mas’uul u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Turkiga ayaa sheegay inay sii wadayaan inay si dhow Warbixinadda u wadaagaan Safaaradaha Shisheeyaha, si looga hortago Khataraha Argagixsadda.
Wuxuuna sheegay in 3 ka mid ah Eedeysanaha lagu xiray magaalladda Ankara, halka mid kalena lagu xiray magaalladda Istanbuul.
©Radio Dalsan