Ku-xigeenka La-Taliyaha Amaanka Qaranka Maraykanka, Ben Rodhes ayaa sheegay inuu Madaxweyne Barack Obama isbuuca dambe Madaxdaasi kula kulmi doono Shir sannadeedka Golaha Guud ee QM oo ka furmi doona Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda New York.
Ben Rodhes waxa uu Khadka Telefoonka ugu sheegay Suxufiyiinta inuu Madaxweyne Obama si kala gaar ah ula kulmi doono Madaxweynaha Nigeria, Muxumadu Buhaari, Madaxweynaha Iraq, Xaydar Al-abaadi iyo Madaxweynaha Kolombiya, Juwaan Manwel Santoos.
Dhinaca kale, Madaxweyne Obama ayaan la filaynin inuu la kulmo dhigiisa dalka Filibiin, Rodrigo Duterte oo horey u aflagaadeeyey Obama Hooyadiisa.
©Radio Dalsan