Turkiga oo caddaalad darro ku tilmaamay xayiraadii Midowga Yurub

Turkiga ayaa tallaadadaan maanta ah sheegay in cunaqabateynta midowga Yurub saareen shirkad Turki ah oo lagu eedeeyay in ay ku xadgudubtay xayiraadda hubka ee dalka Libya ay tahay mid labo u jeedo leh isla markaana caddaalad aheyn.

Shalay ayaa midowga Yurub waxaa ay xayireen dhaqaalaha shirkadda maraakiibta ee Avrasya, taas oo lagu eedeeyay in markab Cirkin ee shirakadaas uu lu lug lahaa isku dhacii dhex maray labada dal ee NATO ka wada tirsan Turkiga iyo France bishii June ee sanadkan.

Midowga Yurub waxaa uu ku eedeeyay shirkaddan in ay si dhuulaameysi ah hub ku gelisay Libya. Ankara ayaa dafirtay eedahaas waxayna ku doodaysaa in Markabka uusan sidin hub ee shixnadda saaran ah aheyd mid bani aadanimo.

Xukuumadda Ankara ayaa taageerta dowladda Libya ee caalamku aqoonsan yahay ee fadhisa Tripoli. Iyadoo kooxda janaraalka falaagada ah ee Khaliifa Xaftar ee la baxay ciidanka qaranka Libya ay taageeraan dalalka Imaaraadka, Masar iyo Russia.

Xayiraadda la saaray shirakaddan Turkiga ah ka sokow waxaa sidoo kale la cunaqabateeyay labo nin oo Libiyaan ah iyo shirkadood oo kala ah; Sigma Airlines oo laga leeyahay dalka Kazakhstan iyo Med Wave Shipping oo laga Jordan laga leeyahay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media