Donald Trump oo ka shaqeynaya qorshe halis ah si mar labaad loo doorto

Wasiirka arimaha dibadda Mareykanka, Mike Pompeo, ayaa sheegay in cunaqabataynihii Qaramada Midoobay hore u saartay Iran dhamaantood haatan dib loo soo celiyey oo ay dhaqan gal yihiin.

Waxuu sheegay in uu ku rajo weynyahay in dhamaan dalalka xubnaha ka ah qaramada midoobay u hogaasami doonaan arintaas, hase yeeshee dalal badan ayaa ku nuuxnuuxsaday in aanay Washington xaq u lahayn inay sidaa u hadasho maadaama ay iyada ka baxday heshiiskii caalamiga ahaa ee nukliyeerka ee Iran lala galay 2015.

Dhanka kale wargeysyada ka soo baxa Ingiriiska kuwooda ugu maga dheer ayaa wax ka qoray xiisaddan ku soo korodhay xidhiidhka Maraykanka iyo Iran oo markiisa horba aad u cakirnaa.

Wargeyska The Independent, ayaa cadadkiisii maanta soo baxay ku waramay in maalmaha soo socda la filayo in Maraykanku culays dheeraad ah saaro Iran.

Culayska Maraykanku damacsan yahay inuu saaro dalkaas ayaa waxa ka mid ah in maraakiibta dagaalka ee Maraykanku ay biyaha caalamiga ah ku joojiyaan maraakiibta xamuulka ee Iran.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media