Qamri badan oo loo soo waday Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

Ciidamada ammaanka Maamulka Galmudug ayaa Gobolka Galgaduud ku qabtay dhalooyin farabadan oo ah maandooriyaha qamriga, kuwaasi oo loo waday Magaalada Muqdisho.

Askarta ku sugan barta koontrol ee laga soo galo Magaalada Cadaado ee Galgaduud ayaa waxaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen ku dhowaad 124-dhalo qamri, lana doonayay inay loo qaado dhinaca Caasimadda dalka ee Muqdisho.

Laamaha ammaanka Cadaado ayaa sheegay in sharciga la horgeeyn doono dadkii watay maandooriyahaaas qamriga ahaa, iyagoona sidoo kalena tilmaamay in qamriga la burburin doono.

5-tii bishaan September ayay aheyd markii Ciidamada ammaanka Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigeen gaari leylo-calaawi ah oo ay saarneed boqolaal dhalo oo qamri ah, kaasi oo ka yimid dhanka Magaalada Caabudwaaq.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media