Tobaneeyo qof oo rayid ah oo lagu dilay duqeymo ka dhacday  Afganistan.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Baaritaano ay QM samaysay ayaa lagu sheegay in 18 qof oo badankooda ahaa carruur iyo haween lagu dilay duqeymo maalmihii Khamiista iyo Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay Gobalka Helmand ee Koonfurta dalkaasi.

Warbixinta ayaa lagu sheegay inay Diyaaradaha Maraykanka ee qeybta ka ah Ciiddanka Isbahaysiga NATO ee ku sugan Afganistan qaadeen duqeymahaasi lagu le’day.

Saraakiil Milliteri oo Maraykan ah ayaa sheegay inay ku-dhawaad 30 weerar dhinaca cirka ka geysteen Helmand isbuucii la soo dhaafay.

Afhayeenka Milliteriga Maraykanka ee ku sugan Afganistan, Jeneral Charles Cleveland ayaa sheegay inay baarayaan Eedeyntaasi, kana shaqeyn doonaan haddii ay duqeymahaasi dad rayid ku geeriyoodeen ama ku dhaawacmeen.

Dhinaca kale, ugu yaraan 891 qof o orayid ah ayaa sannadkii hore lagu dilay dalka Afganistan.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media