Maxa Laga Bartay Doorashadi Farmaajo (Warbixin)

Taariikhda Siyaasada Somaliya lama qoro lamana akhriyo lagumana cibra qaato. Doorashadii Farmaajo waxey bedeshay hab-raacii Siyaasada Somaliya, saadaalintii Siyaasiyiinta iyo qorshihii Musharaxiinta iyo Beesha Caalamka, waxaana laga baran karaa casharo taariikhi ah.
1. Habkii 4.5 ka oo bur-buray kadib 17 Sano, oo awalba dul-saar ku ahaa Siyaasada Somaliya, kadib wareegii labaad ee doorashada markii ay Musharaxiinta iyo Xildhibaanada Hawiye codka u diideyn  Madaxweyne Xasan iyo Shariif. Markii Xildhibaanada Puntland iyo Jubbaland xurguftii Siyaasadeed iska tuureyn, codkoodana wadajir ku siiyeen Farmaajo. Markii Xidhibaan Fartaag oo ay Jufa hoose yihiin Farmaajo cadeystay in uusan codkiisa siineyn Farmaajo, iskana casilay gudigii doorashada.
2. Taariikhda Somaliya iyo Itoobiya oo ku laabatay Qarnigii hore. Kadib xiriirkii 25 sano ka hor ay bilaabeyn Meles Zanawi iyo madaxda Somalida ee ku dhisnaa walaalnimada Itoobiyada cusub ee dimoqoraadiga iyo Somaaliyada cusub ee Fedaraalka, balse aysan aqbalin labada Shacab oo ay weli u joogto Qarnigii hore.
3. In Xildhibaan aad qortay uusan cod ku siineyn, kadib markii la arkay; 2012 kii Sh. Shariif, Gaas iyo Shariif Xasan oo gacantooda ku qortay 275 Xildhibaan codna ka waayey. Kadib markii Xasan iyo Cumar xoog iyo xoolo ku soo saareen sanadkan Xildhibaano badan, ka dibna cod ka waayeen.
4. In Siyaasi khabiir ah lagu bedelo mid cusub aysan waxba soo kordhineyn, kadib markii ay Madaxda Somalidu caadeysteen in Siyaasiyiintii, Xildhibaanadii, Wasiiradii iyo Shaqaalihii hore mar kasta ay ku bedelaan kuwa cusub oo ay ka rajeynayaan daacadnimo. Laakin lagala kulmay 4 khasaaro; Dalkii oo loo dooray Siyaasi indha xiran, sicir-barar lagu sameeye suuqa Siyaasiyiinta, kuwii la xushay oo ku caasiyey kii xushay iyo kuwii laga tegay oo la dagaalama kii ka tegay.
5. In awood dhaqaale aan madax lagu naqaneyn, hadii uusan jirin barnaamij dadka lagu qanciyey.
6.in dawlad-gobaleedyadii ay ku fashilmeyn dhismaha dawlad dhexe iyo taageerada Xildhibaanadii ay soo xusheyn, lagana yaabo in iyagana daadku gaaro.
7. In wadaniyadii iyo midnimadii weli nooshay, kadib markii laga dabaal-degay dhammaan gobaladii Somali-weyn, rajana jirto in dib loo nooleyn karo.
8. In rabitaan koox ama qabiil ama dawladu shisheeye aysan bedeli karin rabitaanka shacabka.

Hadaba waxaan filaynaa in ay naga dhamaatay; 4.5, waa ley wataa, Xildhibaanada aniga ayaa leh, Lacag ayaan heystaa, Gobalo ayaan heystaa, Koox ayaan heystaa iwm.
Waxaan rajeynayaa in lagu cibra qaato wixii dhacay, dibna loo saxo khaladaadkii hore.

Qalinki :Dr Gacal

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media