Ugu yaraan 18 shaqaale ayaa geeriyootay, halka 24 kalena ku dhaawacmeen, kadib, markii uu jiiray Gaari xilli ay dhinac jiifeen Waddo Weyn oo ku taalla Waqooyiga dalka Hindiya.
Hadal ka soo baxay Boliska ayaa lagu sheegay inuu Shilkaasi saqdii dhexe ee xalay ka dhacay Waddo Hayweey ah oo ku taalla Degmadda Barabanki oo 30 KM dhanka W/bari kaga toosan Caasimadda Gobalka Uttar Paradesh ee Luknow.
Maamulayaasha Deegaanka waxay iyagna sheegeen in Shaqaalaha geeriyooday ay la socdeen Bas nooca Labada Dabaq oo ay cillad qabsatay, xilli uu ku wajahnaa Gobalka Bihaar ee Waqooyiga dalkaasi.
Wararku waxay sheegayaan inuu Gaari Xamuul ah jiiray Shaqaalahaasi oo badankooda dhinac jiiftay Waddo Hayway oo ay inta badan isticmaalaan Gaadiidka Xamuulka.
Dhinaca kale, Sanad kasta waxaa la sheegaa inay in ka badan 100,000 oo qof ku geeriyoodaan shilalka ka dhaca Waddooyinka dalkaasi, sida ay sheegeen Boliska.