weerarkii ay Alshabaab xalay ku qaadeen Mandera oo lagu dilay Askar Kenyan ah.

Dagaalamayaal ka tirsan Xarakadda Alshabab ayaa la sheegay inay saqdii dhexe ee xalay weerar ku qaadeen Xero Ciiddanka Maamulka Boliska “ An Administration Police camp”  ay ku leeyihiin Deegaanka Arabia ee duleedka Degmadda  Mandera.

Taliye-xigeenka Boliska Deegaanka Lafey, Eric Oronyi ayaa u sheegay Wargeyska The Nation inay Dagaalamayaal Alshabaab abaarihii 03:00 Habeenimo ee Saqdii dhexe ee xalay burburiyeen Taawarka Shirkadda Isgaarsiinta Safaricom  ku leedahay Deegaanka Khoror Farar.

Waxa uu intaasi ku daray in Tiro ka tirsan Ciiddanka Kenya lagu dilay Xeradda Boliska ee la weeraray, isla markaana uusan xaqiijin karin khasaaraha dhabta ee ka dhashay weerarkaasi.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay go’een Isgaarsiinta iyo inaysan wax kasta hagaagsanayn.

Ciiddan Milliteri oo xoojin ah ayaa laga diray  Mandera, si ay u soo qiimeeyaan waxa ka dhacay Deegaankaasi.

Weerarka Alshabaab ayaa yimid maalmo kadib, markii uu Taliyaha Guud ee  Ciiddanka Boliska Kenya, Joseph Boinnet iyo Saraakiil kale oo muhuum ah soo booqdeen Xerooyinka ku yaalla Deegaanka.

Jimcihii la soo dhaafay, Dagaalamayaal Alshabaab ayaa waxay guluf ku qaadeen Xero ay Ciiddanka Kenya ku leeyihiin Deegaanka Kul-biyow ee Gobalka J/Hoose, oo qiyaas ahaan 18 KM u jirta Xuduudka Kenya.

Tiradda Askarta Kenya ee lagu dilay Xeradaasi waxay gaarayaan 68 Askari, inkastoo Afhayeenka Ciiddanka Kenya sheegtay in 9 Askari oo Kenyan ah  lagu dilay Xeradaasi.

Bishii January 15-dii ee sannadkii hore, Weerar ay Alshabaab ku qaadeen Xero ay Ciiddanka Kenya ku laahayeen Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo, waxaa lagu dilay in ka badan 100-Askari, waana Weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ay Askarta Kenya kala kulmeen gudaha Somalia.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media