Axmed Madoobe oo kulan sagootin ah la yeeshay Saraakiil ka tirsan Ciidanka ATMIS

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa xarunta madaxtooyada magaalada Kismaayo kulan sagootin ah kula qaatay saraakiisha Ciidanka ATMIS qayb 6-aad.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Ciidanka ATMIS qeybta 6–aad shaqadii wanaagsaneyd ee ay qabteen intii ay joogeen deegaanada Jubaland.

Kaalintii ay ka qaateen la dagaalanka dagaalamayaasha Al-Shabaab  iyo keenidda xoggahooda ayaa lagu guddoonsiiyey shahaado sharaf uu ugu tala galay Madaxweynaha Jubaland.

Ciidanka ATMIS qeybtooda 6-aad ee ka howlgalayey Jubaland ayaa soo gaba gaboobay shaqooyinkoodii aheyd la dagaalanka Shabaab, taas oo qayb ka ah qorshaha guud ee lagu dhimayo ciidanka ATMIS ee jooga Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor

Leave a Reply