Qoraalka Toddobaadlaha ee ay Hay’adda UNHCR soo saarto ayaa lagu shaacisay inay 4,753 Qaxooti Somali ah dib uga soo laabteen Kanya muddadii u dhexeysay Bishii January 16-dii ilaa 31-dii.
Qaxootigaasi ayaa la sheegay inay dhinaca dhulka ka soo galeen Xuduudka Somalia.
“Muddada ay socotay Warbixinta Xilliga, 4,753 Qaxooti ah ayaa laga taageeray inay si iskooda u soo maraan dhulka. Kolonyadda Gaadiidka loo sooabaabulay waxay maalmaha Isniinta, Talaadada, Arbacadda iyo Khamiista ka soo bixi jireen Xeradda Dhadhaab iyagoo si toos ah u soo gaari jirey Dhoobley” ayaa lagu yiri Warbixinta UNHCR.
Hay’adda UNHCR waxay kaloo sheegtay in Tirada Qaxootiga bishii hore ay guud ahaan dhan yihiin 44,365 qof.
Warbixintan u dambaysa ee UNHCR ayaa la soo saaray, kadib, markii ay Maxkamadad Sare ee Kenya laashay Go’aanka ay Dowladda Kenya xiri lahaayeen Xeradda Qaxootiga ee Dhadhaab, oo ay inta badan Qaxooti Somali ku nool yihiin.
Garsooraha Maxkamadda Sare Kenya, John Mativo ayaa sheegay in amarkii ka soo baxay Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Joseph Nkaiseery iyo Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradaasi, Karanja Kibicho yahay mid wax kama jiraan ah, isla markaana xadgudub ku ah Dastuurka Kenya iyo Xuquuqda Qaxootiga.
Hay’addaha Caalamiga, gaar ahaan kuwa Xuquuqda Aadanaha ayaa so odhaweeyey Go’aanka ay Maxkamadda Sare ee Kenya ku laashay go’aankii lagu xiri lahaa Xeradda Dhadhaab oo ah tan ugu weyn Caalamka.
©Radio Dalsan