Somaliland oo sheegatay inay Jamhuuriyadda Somalia ka go’een sannadkii 1991-kii, balse aan weli helin Ictiraaf Dowladnimo ayaa sheegtay inuu saamayn ku yeeshay Go’aankii Fulinta ee uu Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ku soo rogay 7- Waddan oo Muslim ah oo ay Somalia ka mid tahay.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Maamulka Somaliland ee W/Galbeed Somalia, Sacad Cali Shire ayaa sheegay inuu qoraal u diray Maamulka Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, kana codsadeen in la cadeeyo inaysan Somaliland ka mid ahayn 7-Waddan ee Muslimka ee horey loogu soo rogay Xayiraadda Socdaalka.
Hadal-qoraal oo uu soo saaray Sacad Cali Shire ayuu ku sheegay inay maalintii Isniintii ee la soo dhaafay Qoraal u direen Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka, Rex W.Tillerson iyo Xoghayaha Ammaanka Gudaha, John F. Kelly, kana codsadeen in laga qaado Xayiraadda Socdaalka.
Waxa kale oo uu tilmaamay inaysan Somaliland khibrad u lahayn waxa uu ugu yeeray Soo-bixitaanka Kooxaha Argagixisadda
Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Maraykanka ayaan weli ka soo jawaabin Codsigaasi, maadaama Liiska dalalka laga xayiray Socdaalka aan lagu muujinin dal loo yaqaano Somaliland.
Dowladda Maraykanka waxay Somaliland u aqoonsan yihiin Gobal ay Deganaansho ka jirto, umana aqoonsana Dal ka madax bannaan Jamhuuriyadda Federalka Somalia.
©Radio Dalsan