Duullimaadyadda Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo si KMG loo hakinayo bishan 22-da.

Hadal qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee DFS ayaa lagu sheegay in si KMG loo hakinayo Duullimaadyadda Diyaaradaha ee Garoonka Aadan Cadde ee magaalladdan Muqdisho.

Qoraalka ayaa lagu muujiyey inaysan wax Duullimaad ah ku soo degi doonin Garoonkaasi bishan February 22-da, iyadoo ay maalintaasi dhacayso Munaasabadda uu Madaxweyne Farmaajo si rasmi ah kula wareegayo xilka Madaxweynaha JFS.

 

Sidoo kale, Garoonka Aadan Cadde ayaa aad loo adkeynayaa Ammankiisa, iyadoo la filayo inay Madax ka kala socday dalalka Caalamka ka soo qeyb galaan Munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha oo dhici doonta maaalinta Arbacadda ee soo socota.

Dhinaca kale, qoraaka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee DFS ayaa lagu wargeliyey Shirkadaha Diyaaradaha inaysan wax duullimaad ah ku soo beegin bishan 22-da, si aysan Rakaabka ugu soo lug go’in Garoonka Aadan Cadde oo maalintaasi xirnaan doona.

Ma aha markii ugu horreysay ee Garoonka Caalamiga Aadan Cadde loo xiro Munaasabad lagu caleemo-saarayo Madaxweyne cusub.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media