Tirada dadka u dhintay Cudurka halista ee Coronavirus oo Sare u kacday

Tirada Dadka u dhintay Caabuqa loo yaqaan corona  ayaa gaartay 106-Qof gudaha Dalka Shiinaha sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta Dalkaasi.

Dadka u dhintay Cudurkaan waxaa ku jira Dhaqaatiir kuwaas oo ku howlanaa daweynta Dadka Xanuunsan,iyada oo laga hortagayo in cudurka uu sii faafo ayaa Dowladda Shiinaha waxay xoojisay xayiraada  socdaalka.

Waxaa la jaray dhammaan Waddooyinka  gala Magaalada Wuhan oo ah halka uu ka bilowday Cudurkaan dilaaga ah.

Sidoo kale, waxaa sare u kacay dadka ku nool dalalka kale ee caalamka ee uu haleelay caabuqan,waxaana Kiisas hor leh laga soo sheegayaa  dalalka Singapore iyo Jarmalka.

Guud ahaan magaalooyin dhowr ah oo ku yaala dalka Shiinaha, waxaa la hakiyay gaadiidka dadweynaha, waxaana cudurkan uu dilaacay xilli dalka Shiinaha looga diyaar garoobayay dabaaldegga sanadka cusub, xilliyadaas oo dad badan ay aad u safraan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media