Ra’iisul Wasaarihii dalka Qatar oo Is-Casilay iyo mid Cusub oo la Magacaabey

Ra’iisul Wasaarihii dalka Qatar Sheikh Cabdullaahi bin Nasser bin Khalifa Al Thani ayaa ku dhawaaqay inuu xilkaas  iska Casilay, isagoona Warqadiisa Is-Casilaada u gudbiyay Amiirka Qatar.

Wakaalada Wararka dalkaas ayaa shaacisay inuu xilka iska Casilay Ra’iisul Wasaare Sheikh Cabdullaahi bin Nasser, isagoona xilkaas hayay muddo todobo sano ah laga soo bilaabo sanadkii 2013.

Amiirka dalka Qatar Shiekh Tamiim Bin hamad Al Thani ayaa ka aqbalay is casilaada Ra’iisul Wasaaraha, wuxuuna durbo soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Cusub.

Sheikh Khalid bin Khalifa bin Cabdicasiis AlThani ayaa loo Magacaabay inuu nodo Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee dalka Qatar, kaasi oo xiligaan ka shaqeynayay Madaxtooyadda Amiirka, isagoona Xoghaye  u ahaa Amiir Shiekh Tamiim AlThani.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media