Wasaaraadda Arrimaha Gudaha ee dalka Holland ayaa sheegtay inay kordheen Tirada dadka Shisheeyaha ee laga soo tarxiilayo dalkaasi, kadib, markii ay kordheen Dembiyaddii ka dhacay dalkaasi dhowrkii sanno ee la soo dhaafay.
Wargeyska Algemeen Dagblad ee ka soo baxa dalkaai ayaa qoray in 4,810 qof oo ee Shisheeye laga soo tarxiilay dalakaasi tan iyo sannadkii 2011-kii, taasi oo la micno ah in 72% lagu guuleystay in la masaafuriyo dadka ku lugta leh Dembiyada ka dhacay dalkaasi.
Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay in Hawlgalka masaafurinta dalkaasi korodhay 80% sannadkii la soo dhaafay, iyadoo inta badan dadka la soo tarxiilay ka soo jeedaan dalalka Somalia, Iraq iyo Morocca.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Holland, waxa uu sheegay in Shisheeyaha la soo tarxiilay lagu helay dembiyo ay ka mid yihiin kuwo wax ka xaday Super markets iyo kuwo geystay dembiyo culus, sida Kufsi iyo Dil.
Waxa kaloo uu xusay in sidoo kale la soo masaafuriyey dadka loo arko Magangelyo-doonka aal la jeclayn ee inta badan ku safra Dukumentiga Socdaalka ee Travel Documents.
Dhinaca kale, Wasiir ka tirsan Xukuumadda Holland oo lagu magacaabo Klaas Dijkhoff ayaa waxa uu sannadkan beddelay Sharciga, taasi oo oggolaanayso in dadka lagu xukumo 6 bilood iyo ka badan in laga masaafurinayo dalkaasi.
Wasiirka waxa kaloo uu doonayaa in mustaqbalka la masaafuriyo Shisheeyaha uu ku dhaco Xukun Ganaax ama Adeegga Bulshadda.
Xigasho: Algemeen Dagblad
©Radio Dalsan