Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay inuu Madaxweynaha Maamulka Soomaalida Ethiopia, Abdi Mohamoud Omar uu xabsiga dhigay dad ehel la ah Dibadbaxayaal dhawaan bannaanbax isaga looga looga soo horjeedo ka dhigay magaalladda Melbourne ee dalka Australia.
Hay’adda Human Rights Watch waxay soo xigatay Shukri Shafe Guuleed oo asal ahaan ka soo jeeda Kilinka 5-aad balse muddo 6 sanno ku nool dalka Australia inuu sheegay in lagu tacadiyey qaar ka mid ah Ehelkiisa ku nool Kilinka 5-aad.
Shukri Shafe Guuleed oo ka mid ahaa dadkii ku banaanbaxy Madaxweynaha Kilinka Shanaad markii uu tegay Australia, ayaa tilmaamay inay Taageerayaasha Dowladda Ethiopia ka qaadeen Sawir, isla markaana u sheegeen in muddo 15 daqiiqo gudaheeda la ciqaabi doono Qaraabadiisa ku nool gudaha Ethiopia.
Waxa uu intaasi ku daray in la xiray 3 Walaalihiisa, kuwaasi oo uusan wax war ah kama maqlin tan iyo markii la xiray.
Shukri Shafe Guuleed waxa kaloo uu sheegay inay Ciiddanka Kilinka 5-aad muddo ku dhow hal bil ka hor xireen Walaashiisa iyo Habaryartiisa ka weyn Hooyadiisa.
Dhinaca kale, Cilmi-baaraha Hay’adda Human Rights Watch u qaabilsan Qaaradda Afrika, Felix Horne ayaa sheegay inay Dowladda Ethiopia xabsiga dhigeen Tobaneeyo ka mid ah Qoysaska dadkii ku bannaanbaxay Madaxweynaha Kilinka 5-aad markii uu booqashada ku tegay dalka Australia muddo haatan laga joogo 4 bilood
Cilmi-baarahaasi waxa uu xusay inay weli xiran yihiin inta badan dadkii ay Hay’addaha Ammaanka ee Kilinka 5-aad xireen bishii June ee la soo dhaafay.
Sidoo kale, Warbixinta Human Rights Watchwaxaa lagu xusay inay horey u diiwaan geliyeen Tacadiyadda uu geystay Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Soomaalida Ethiopia.markii uu ahaa Madaxa Ammaanka ee Dowlad-gobaleedka Soomaalida Ethiopia.
©Radio Dalsan