Wakaalladda Wararka u faafisa Talyaaniga ee ANSA ayaa sshaacisay inay Boliska Talyaaniga gacanta ku dhigeen Mukhalas Soomaali iyo mid u dhashay dalka Gambia, kuwaasi oo lala xiriirinayo inay dadka u soo tahriibin jireen Talyaaniga.
Qabashadooda ayaa timid, kadib, markii ay Ciiddanka Badda Talyaaniga soo badbaadiyeen Tahriibayaal tiradooddu dhan tahay 576 qof, isla markaana ay maydka Nin Somali ah ka soo saareen Badda Mediterraneanka.
Waxaa la rumeysan yahay in Tahroobayaashaasi la socdeen 7 dooni oo ka soo shiraacday Xeebta magaalladda Sabratha ee dalka Libya, waxaana dhamaantooda laga soo badbaadiyey Badda u dhexeysa Libya iyo Jesiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga maalintii Sabtida ee la soo dhaafay.
©Radio Dalsan