Madaxweynaha dalka Kenya iyo Xoghayaha Arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa maanta Kulan Khaas ah ku yeeshay Aqalka Madaxtooyadda ee magaalladda Nairobi, iyagoo ka wada xaajooday Arrimaha Somalia, South Sudan iyo La-dagaalanka Argagixisadda.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta waxa uu ku booriyey Dowladda Maraykanka iyo Beesha Caalamka inay sii wadaan Taageeradooda ku aadan dadaalka loogu jiro sidii Somalia loo xasilin lahaa.
Uhuru Kenyatta waxa uu u sheegay John Kerry in horumar laga sameeyey Nidaamka Dowladnimadda iyo Hiigsiga 2016-ka ee Somalia, wuxuuna rajo ka muujiyey Jadwalka Doorashadda Barlamaanka iyo Madaxweynaha cusub ee Somalia.
Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta waxa kale oo uu tilmaamay inay Ciiddanka Hawlgalka AMISOM iyo kuwa Qaranka Somalia horumar wanaagsan ka gaareen dhinaca Ammaanka.
Waxa kale oo uu ku baaqay in la dhiso Awoodda Ciiddanka Somalia si ay ula wareegaan Sugidda Ammaanka, marka ay Ciiddanka AMISOM ka baxaan Somalia sannadka 2018-ka.
Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Kenya, John Kerry oo ka hadlay Kulankaasi waxa uu ku ammaanay Dowladda Kenya dadaalka ay ugu jirto Xal-u-helidda Ammaanka Gobalka, gaar ahaan Xiisadaha ka taagan Somalia iyo South Sudaan.
©Radio Dalsan