Taliyaha ciidanka Asluubta General Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa shaqada ka joojiyay taliyihii xabsiga dhexe ee Xamar G/sare Aadan Xuseen Kulmiye ka dib dhacdadii todobaadkii hore ka dhacday xabsiga.
Waxaa uu sheegay General Mahad Cabdiraxmaan Aadan waxaa uu sheegay in ay socdaan baaritaanno ola xariira dhacdadii qaar ka mid ah maxaabiista Xabsiga dhexe ay ku heleen hub, kadibna ay toogasho ku billaabeen ciidankii ilaalada ka hayay xabisiga.
Sarreeyo guuto Daahir Cabdulle Raage ayaa si ku meel gaar ah loogu magacaabay in uu noqdo taliyaha xabsiga dhexe, waxaana Taliyaha ciidanka Asluubta General Mahad Cabdiraxmaan Aadan sheegay in shaqa ka joojinta lagu sameeyay Taliyahii Xabsiga dhexe ay la xariirto falkii lagu dilay qaar ka mid ah ilaalada xabsiga dhexe, dhacdadaas oo ay fuliyeen maxaabiis ku xirneed Xabsiga dhexe.
Horay aya loogu dhawaaqay guddi loo xilsaaray in ay soo baaraan, sida ay maxaabiistu ku heleen hub, kadibna ay toogasho kaga billaabeen gudaha xabsiga, wali ma jiro wax natiijo ah oo ay soo saareen guddigii loo xilsaaray in ay soo baaraan dhacdaas.