Kolonel Bosco Mutumbi oo 50 jir ayaa la soo taagay Maxkamad ku taalla caasimadda Uganda ee Kampala, isagoo lagu eedeynayo inuu ku fashilmay inuu badbaadiyo qaar ka tirsan Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.
Sarkaalkaasi oo ahaa Taliyihii Kooxda 12-aad ee Dagaalanta ee Uganda ayaa la sheegay inuu dayacay Waajibkiisa, isla markaana uu iska dhega tiray Digniin ku aadanaa Weerarkii Alsshabaab sannadkii hore ku qaadeen Xerada Ciiddanka Uganda ku lahaayeen Deegaanka Jannaale ee Gobalka Sh/hoose.
Gaashaanle Raphael Mugisho oo madax u ah Dacwad-oogayaasha qaadayso Dacwadaasi ayaa sheegay in Taliyahaasi wajahayo Labo Dembi oo kala ah inuu ku fashilmay mid ka mid ah Waajibaadkiisa horseeday Saraakiishii lagu dilay Degaanka Janaale iyo inuu ku fashilmay inuu heegan buuxa geliyo Ciiddanka.
Gaashaanle Raphael Mugisho waxa kale oo uu ku eedeeyey Kolonel Bosco Mutumbi ku fashilmay inuu taageero hub, rasaas iyo Xoojin siiyo Ciidanka Uganda ee ku sugnaa Jannaale, kuwaasi oo ay Alsshabaab weerar gaadmo ah ku qaaday bishii September 1-dii ee sannadkii hore.
Ciiddanka Uganda ee lagu dilay Weerarkii Jannaale ayaa lagu kala magacaabi jirey: Kolonel Etua Ondoma. Saddex Alifle Charles Outa, Saddex Alifle Charles Ojange, Saddex Alifle Eddy Kakaire, Saddex Alifle Abubakar Mugumya, Saddex Aliflr Emmanual Wanyama, Anfrew Engema, Phinius Ochowun, Issac Okidi Lotyang iyo Geoffrey Kintu.
©Radio Dalsan