Guuto cusub oo ka tirsan Boliska Uganda ayaa soo gaaray Muqdisho, kuwaasi oo bedeli doono Ciiddamo kale oo muddo hal sanno ka hoos shaqeynayey Taliska Boliska AMISOM.
Munaasabadda uu Taliyaha Ciiddanka cusub ee Boliska Uganda Thomas Kamugisha xilka kula wareegayey ayaa lagu qabtay Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.
Waxa uu sheegay inay ka shaqeyn doonaan sidii Somalia loo gaarsiin lahaa Nabad iyo Horumar, isla markaana ay taageero u siin lahaayeen guusha Somalia gaartay.
Ku-xigeenka Taliyaha Boliska AMISOM, haweeneyda lagu magacaabo Kiristiin Alalo ayaa ku boorisay Boliska ka socda Uganda inay doorkooda ka qaataan fulinta Waajibaadka Shaqo ee loo cayimay Boliska AMISOM.
Waxay kaloo sheegtay inay dadka Soomaalida ka soo kabanayaan dagaalladii, loona baahan yahay in Taageero badan si dhow loola shaqeeyo Boliska Soomaaliyeed.
Si kastaba ha ahaatee, Boliska AMISOM waxay Somalia ka qabtaan hawlo kala dfuwan, gaar ahaan sugida Ammaanka, Hawlgalladda ka dhanka ah Xarakadda Alshabaab, Maaraynta Hawlaha Dadweynaha, Hawlgalladda Baadigoobka iyo Kala furfurista Qaraxyadda.
©Radio Dalsan