Boliska caasimadda dalka Uganda ee Kampala waxay soo xireen Nin ilaalo ka ah Shirkadda Ammaanka ee Tiger Security Company, kaasi oo labo nin oo Somali ah iyo Nin Ugandese ah ku dhaawacay Deegaanka Kabalagala ee duleedka magaalladda Kampala.
Ninka toogashadda geystay oo lagu magacaabo Moses Mugisha, waxa uu ilaalo ka ahaa Shirkad leh Xarun lagu ciyaaro.
Ilaaliyaha ayaa rasaasta furay, kadib, markii nin dhallinyaro si khasab ah ku kaxaysan lahaa mooto ay wateen dhallinyaro ku sugnayd Xarunta lagu ciyaaro Khamaarka.
Ninkaasi oo lagu magacaabo Eddie Kyeyune ayaa isku dayey inuu Ilaaliyaha ku qabto “Qoor-sagaaro, wuxuuna Ilaaliyuhu riday saddex xabbadood oo mid ka mid ah Lugta kaga dhacday ninkii isku dayey inuu xoog ku kaxaysto mootadda.
Hadal ka soo baxay Afhayeenka Boliska Uganda, Fred Enanga ayaa lagu sheegay in 2 ka mid xabadihii uu riday Ilaaliyaha ay dhaawac jajab u geysteen labo nin oo Soomaali ah.
Afhayeenka waxa uu magacyada ragga Soomaalida ee ku dhaawacmay xabbadaha lagu kala magacaabo Mohamed Katiim iyo Ahmed Ali Noor.
Saddexda qof ee dhaawacmay ayaa loola cararay si loogu daaweeyo Isbitaaladda Mulago iyo Nsambya.
Afhayeenka Boliska Uganda waxa kale oo uu sheegay in Nin waardiyaha ee toogashadda geystay lagu xiray Saldhigga Boliska ee Kabalagala, isla markaana meel fiican marayaan baaritaanka Toogashadaasi.
©Radio Dalsan