Taliye Xijaar oo shaaciyay xilliga dalka dib ugu soo laabanayaan Ciidamo tababar ku maqan

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraa Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa dalka Jabuuti tababar ugu soo xeray cutubyo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Booliska Soomaaliyeed.

Dufcadaan oo noqoneysa dufcadii 17-aad ee ciidanka Booliska ayaa tababarkooda waxaa iska kaashaday dowladaha Soomaaliya, Talyaaniga iyo Jabuuti, waxaana ay dalka kusoo laaban doonaan todobaadka soo socda.

Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in Cutubtayaddaan tababarka soo dhameystay la geyn doona deegaanadda laga xorreeyay Al Shabaab si ay ula wareeggaan ammaanka goobahaasi, isla markaana ay uga shaqeeyaan xasilloonidda iyo wada noolaashiyaha bulshada.

Dalka Jabuuti ayaa waxaa horey loogu soo tababaray Ciidamo farabadan oo kamid ah  Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska, iyadoona sidoo kalena weli dalkaas tababaro uga socdaan Cutubyo Ciidan kale.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor