AL-Shabaab oo sheegtay weerarka lagu qaaday Hotelka Naasa-Hablood 2 ee degmada Xamarweyne

Al-Shabaab ayaa War ay ku qoreen Baraha ay lu leeyihiin Internet-ka waxa ay ku sheegteen Masuuliyada  weerarkaas lagu qaaday Hotelka Naasa-Hablood 2 ee degmada Xamarweyne.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in ay weerarkaas ay ku bartilaameedsanayeen Xildhibaano iyo Saraakiil degan Hoteelka sida ay sheegeen.

Hotelka ayaa waxaa weli laga maqlayaa rasaas,waxana khasaaraha hordhaca ah ee soo baxaya ay sheegayaan in ku dhawaad 10 Qof oo Shacab u badan ay ku geeriyoodeen qaraxaas iyo weerarka la socdo.

Weerarkaan qaraxa ku bilaawday ayaa ku soo aadaya labada todobaad kadib qarixii lagu dhamaaday ee ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media