Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud u Magacaabay Taliye cusub.
Taliska Booliska ayaa Nuur Cilmi Maxamed u magacabay Taliyaha Booliska saldhigga Dhuusamreeb, waxaa wareegto kasoo baxday Taliska Booliska Soomaliyeed lagu magacaabay taliyaha.
Nuur Cilmi Maxamed ayaa horay waxaa uu uga soo shaqeeyay degaanada maamulka Galmudug, waxaana uu horay usoo noqday Taliyaha saldhigga Booliska Caabudwaaq.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa aahyd Magaalo aan lahayn Taliye, waxaana horay isku casilay taliyiihii Booliska Magaaladas, iyadoo la sheegay is faham waa soo kala dhexgalay Taliska Boolis iyo Taliya Magaalada Dhuusamareeb uu isku casilay Taliyihii ka horreeyay Nuur Cilmi Maxamed.