Wasaaradda Gaadiidka maamulka jubaland ayaa amar dul dhigtay gaadiidka Xammuulka qaada ee ka sheqeeya magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka u ah Jubbaland.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda gaadiidka Jubaland Saacid Cabdullaahi Macalin maxamed oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in ay amar ku bixinayaan in maalintii aysan magaalada ku socdaali karin gaadiidka qaada Xammuulka iyo sidoo kale kuwa birta cuslus qaada.
Waxaa uu sheegay Agaasime Saacid in ay arrintaan xal ugu raadinayaan shilaalka ka dhaca Magaalada oo maal-mihii danbe soo badanayay, waxaa uu laamaha amniga ugu baaqay in talalabo sharci ah ka qaadan gaadiidka maalintii isticmaalo waddooyinka waa weyn ee magaalada kismaayo.
Gaadiidka la saaro culayska xad dhaafka ah ayuu sheegay in ay dhibaato ku keenaan magalada iyo guud ahan bulshada ku dhaqan Kismaayo, waxaana intabadanka dhaca shilal khaasare gaysta.
Dhanka kale taliyaha Ciidanka nabad galyada waddooyin Magaalada Kismaayo Bashiir Ciise oo isna shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ay dhaqan galinayaan amarka kasoo baxay wasaaradda gaadiidka Jubland.
Taliyaha ayaa sheegay in ay horay uga codsadeen wasaarddu in ay amar kasoo saarto gaadiidka xammuulka qaada iyo kuwa la sooro wax ka badan culeyskii loogu tala galay, balse ugu danbey iyaga iyo wasaardda gaadiidka ayuu sheegay in ay arrinta isla meel dhigeen ayna wixii hadda ka danbeya aan lam arki karin Gaadiidka xammuul qaada oo maalintii dhexmaraya Magaaalada kismaay.
Magaalada kismaayo ayaa waxaa dhawr jeer ka dhacay shilal kala duwan oo khasaare dhaliyay, waxaana maamulka iyo wasaardda lagu eedeyay in aysan qorshe cad la imaan si xal loogu helo shilalka ka dhaca kismaayo, inkastoo hadda ay u muuqato in wasaarddu ay isbeddel ku sameysay qaabka ay gaadiidku u shaqaynayaaan.