Taliyaha Ilaalada Kacaanka Iiraan oo sheegay in Mareykanka ka baqayaan dagaal

Sarreeye Gaas Xuseen Salaami ayaa sheegay inaysan Iiraan doonaynin dagaal, balse ay iska cabin doonto haddii lagu soo gardaroodo.

Waxa uu intaasi ku daray inuu jiro kala-duwanaansho u dhexeya Milliteriga  Iiraan iyo kuwa Maraykanka, wuxuuna tilmaamay inay Maraykanka ka cabsadaan dagaalka, mana laha hamiga dagaalka, waa sida uu hadalka u yiri.

Mar sii horreysay, waxa uu Taliyaha Ciiddanka Ilaaladda Kacaanka Iiraan sheegay inay Iiraan madaxa ka dili doonaan Maraykanka, haddii ay soo qaadaan hawlgal Milliteri oo ka dhan ah Iiraan.

Madaxweynaha Maraykanka waxa uu Khamiistii hore sheegeay xiisadda ka dhexeysa Maraykanka iyo Iiraan inaysan gaari doonin dagaal.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media