Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxa xoogan oo Caawa xiligii afurka,kadib ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Qaraxaasi oo ahaa mid lagu soo xiray Gaari noociisu yahay Toyota NOHA,isla markaana laga dhigay meel barxad ah ayaa ku qarxay dhabarka dambe ee Iskaashatada Gaadiidka degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.
Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in qaraxaas wax Khasaaro dhimasho iyo dhaawac uusan geysan,sidoo kalena dad loo qabtay.
War qoraal ah ay soo dhigtay barta Facebook ay ku leedahay Zakiya Xuseen Axmed ayaa waxaa ay ku faahfaahisay qaraxii Caawa ka dhacay dhabarka dambe ee Iskaashatada Gaadiidka degmada Xamarweyne.
“Abbaro 7dii habeenimo ayaa baabuur noociisa yahay Toyota Noah ku qarxay meel barxad ah oo la dhigay kuna taal dhabarka dambe ee iskaashatada gadiidka degmada X/Weyne,Sidaanu xaqiijinay wax qasaaro naafeed ama dhaawac ma jiraan Waxaa isla goobta lagu qabtay 2 qof lagu tuhmaaya in falka lug ku leeyihiin iyo ninkii baabuurka qaraxa watay”ayay tiri Zakiya Xuseen Axmed.