Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Danjiraha dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya, Mudane Amb. Joachim Waern.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amniga ee labada dal, iyada oo lagu falanqeeyey arrimaha la-dagaallanka Al-Shabaab, kordhinta tababarada iyo taageerada ay dowladda Sweden u fidiso Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Taliyaha Asad Diyaano oo dhawaan loo magacaabay xilka Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed, wuxuu kulankan ku muujiyay sida ay muhiim u tahay iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca amniga, si sare loogu qaado awoodda ciidamada booliiska iyo habka ay ula tacaalaan amni darrada.
Danjire Joachim Waern ayaa dhankiisa ballan qaaday in dowladda Sweden ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo tababarada ciidanka, si loo xoojiyo awoodda ciidamada amniga ee dalka. Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in lagu xoojiyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Sweden, gaar ahaan dhinaca amniga iyo la-dagaallanka khatarta Al-Shabaab.