Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa gaaray Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Generaal Odawaa Yuusuf Raage iyo wafdi Saraakiil oo uu hogaaminayay.
Garoonka diyaaradaha Baydhabo ayaa waxaa Taliye Odawaa Raage kusoo dhaweeyay Taliyaha Qeybta 60aad Ciidanka Xoogga Dalka Maxamed Sheekh Cabullaahi iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xooga ee ku sugan halkaas.
Ujeedada Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Baydhabo usoo gaarey ayaa waxa ay tahay sidii uga qeyb geli lahaa Munaasabad ay ku qalin jabineyaan Ciidamo ka tirsan Xooga Dalka Soomaaliyeed oo Maalinta Barita ah lagu qaban doono Magaalada Baydhabo.
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa waxaa kulamo kala duwan la qaatan Saraakiisha Ciidanka Xoogga, isagoo kala hadli doono Arrimo la xiriira dhanka Ciidanka.