Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in lagu guuleysatay xalinta cabasho ka timid qaar ka mid ah Ardeyda Puntland ee wax ku barata Magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Itoobiya.
Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in dhawaan Magaalada Addis Ababa ee Itoobiya uu kulan kula qaatay Madaxda Wasaaradda Waxbarashada Itoobiya, iyadoona ka wada hadlay Cabasho kasoo yeertay qaar kamid ah ardeyda Puntland, taasi oo markii dambe la laga gaaray.
Ardaydaas 70 gaareysa ayaa waxaa ay sheegayeen in Puntland ay Waxbarasho Jaamacadeed ugu dirty Jigjiga, kadib markii ay deeq Waxbarasho ka heleen Itoobiya, hayeeshee ay la kulmeen Goobo lagu barto toliska Dharka iyo waxyaabo kale oo aysan fileyn.
“Waxaan ku guuleysanay xalinta cabasho ka timid qaar ka mid ah ardeyda Soomaaliyeed gaar ahaan arday puntland ee wax ka barata magalaada jig jiga ee Soomaalida Itoobiya kadib kulan aan dhawaan magaalada Addis Ababa kula yeeshay madaxda wasaaradda waxbarashada Itoobiya Markasta waxaa naga go’an inaan ka war qabno baahiyaha iyo duruufaha heysta ardeyda Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiir Cabdullaahi Goodax Bare.