Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeya Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, ayaa Maanta oo sabti ah gaaray Magaalada Xudur Xarunta Gobalka Bokool ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Taliyaha ayaa waxaa kusoo dhaweeyay halkaasi Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed qeybtooda Gobolka Bakool, waxaana uu sheegay in sababta uu tagay ay hubinta shaqada Ciidanka.
Taliyaha Odawaa ayaa Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ku amray in ay bilaabaan howlgallo lagu xaqiijinaayo ammaanka, sidoo kalena Al-Shabaab looga saarayo degaanada ay kaga sugan yihiin Gobolka Bakool..
Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa waxaa uu sidoo kale Taliyaha kulan la yeeshay Saraakiisha ciidanka ATMIS ee ku sugan Bakool, kuwaa oo uu kala hadlay xaqiijinta ammaanka gobalka.