Farmaajo oo Maanta kulan la yeeshay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan soo dhoweyn ah kula qaatay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha iyo dhammaan Guddoonka kale ee Golaha, gudagalka waajibaadkooda dastuuriga ah ee ku aaddan hoggaaminta Golaha Shacabka Baarlamaanka  11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Guddoonkii hore ee Golaha Shacabka sidii xilkasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii iyo shaqooyinkii muhiimka ahaa ee ay ku guulaysteen Baarlamaankii 10-aad.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday uga mahadceliyey kulankan iyo soo dhoweynta diirran.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa guddoonka cusub Alle uga baryey in uu u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo doortay, uuna waafajiyo danta dalka, dadka iyo diinta.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maalmo kahor loo doortay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo bedelaya Guddoomiyihii hore ee Golahaas Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan…

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor