Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa maanta dib ugu soo laabtay Caasimada Jowhar, kadib safar shaqo oo todobaadkaan uu ku joogay Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Maxamed Dheere kusoo dhoweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusud Daba-geed), xubnaha labada gole ee Maamulka, kan Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Saraakiisha amniga.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa inta uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho waxa uu kulan la yeesha Madaxweyneyaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sh Axmed, iyagoona ka wada hadlay xaaladda dalka iyo dhammeystirka doorashada Golaha Shacabka.
Cali Guudlaawe ayaa sigaar ah Sheekh Shariif ugala hadlay doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka oo deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Jowhar, kuwaasi oo uu ka jiray khilaaf, balse la sheegay in xal laga gaaray oo doorashadoodu dhaceyso.
Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa dhawaan lagu wadaa inuu soo dhammeystiro doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, isla markaana waxaa ku harsan saddex kursi oo laba kamid ah maalmaha soo socda ay la qabanayo.