Booliiska maamulka Soomaaliland ayaa gacanta ku soo dhigay nin laba todobaad ka hor dil u gaysta marxuum ku sugnaa degmada Gumar ee gobolka Hawd iyaga oo sheegay in ay caddaaladda marinayaan.
Cali Muuse Xassan oo ah ninka dilka gaystay ayaa shalay galbtii laga soo qabtay deegaanka Xaraf oo ku taala duleedka galbeed ee magaalada Hargeysa,iyada oo loo gudbinayo sida booliisku ay sheegeen maxkamad si wax looga weydiiyo dilkaas uu geystay.
Booliiska Soomaaliland ayaa todobaadkii lasoo dhaafay shegay in ay ku raadjoogaan ninkaan dilka geystay oo lagu magacaabo Cali Muuse Xassan,inta badan deegaanada maamulka Soomaaliland ayaa dilal noocaan oo kala ah ka dhacaan.