Xarunta Wasaaradda maaliyadda maamulka Puntland ay ku leedahay magaalada boosaaso waxaa kulan ku yeeshay Madaxda Wasaaradaha Maaliyadda,Dekedaha iyo Kaluumaysiga.
Kulan ayaa ahaa mid looga hadlayay is barbar dhiga dhanka dakhliga sanadihii 2019, 2017 iyo sidii kor loogu qaadi lahaa dakhliga Dawladda sanada 2020.
Shirkan oo qaatay saacado dheeraad ah si loo hormariyo dhanka dakhliga waxaa shir Gudoominaayay Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi.
Ma ahan kulan kii igu horeeyay ee ay wada yeeshaan masuuliyiinta sadexda Wasaaradood aydoo kulamadii hore guulo badan laga gaaray, kulankana lagu heshiiyay in la sii hormariyo kor uqaadida dakhliga Dawladda.