Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa ka hadlay Israsaaseyn kooban oo xalay Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ku dhexmartay Ciidanka Booliska dowladda ee Haramcad iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Asluubta.
Afhayeenka Ciidanka Asluubta Cabdiqani Maxamed Qalaf oo la hadlay Telefashinka Dalsan ayaa marka hore beeniyay in Ciidamo ka tirsan Asluubta ay weerar ku qaadeen Guriga uu dagan yahay Taliyaha Ciidanka Booliska Haramcad Farxaan Maxamuud Qoroole.
Waxaa uu sheegay Afhyeenka in Sarkaal ka tirsan Asluubta oo watay dhowr Ciidan oo Istaaf u ahaa uu ka Agdhawaaday Guriga uu degan yahay Taliye Farxaan, kadibna uu halkaas dib uga laabtay, sidaasina ay Ciidanka Ilaalada Farxaan iyo kuwa la socday Sarkaalka ay Israsaaseynta u dhexmartay, ayna iska shakiyeen oo kaliya.
Sidoo kale Afhayeenka ayaa tilmaamay in Israsaaseyntaas uu laba Askari kaga dhaawacmay Ciidanka Asluubta, isagoona caddeeyay in uusan sheegi karin Khasaaraha gaaray dhanka Ciidanka Booliska.
Ugu dambeyn Cabdiqani Maxamed Qalaf ayaa waxaa uu sheegay in Taliska Ciidanka Asluubta uu ka xun yahay falkaas dhacay ee ku yimid kala shakinta labada Ciidan, isla markaana falkaas laga gaaray xal-buuxa.