Nin Somali ah oo la oran jirey Abdurahman Ibrahim Hassan ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday Xabsi ay leeyihiin Waaxda Socdaalka ee dalka Kanada.
Marxuumka oo 39 jir ahaa waxa uu muddo saddex sannoi ah ku xirnaa Xabsigaasi.
Marxuumka oo dhimirka looga jiray, isla markaana qabay cuddurka Macaaanka ayaa la sheegay inuu bishan 11-dii ku geeriyooday Isbitaal lagu daawaynayey, iyadoo ay Boliska ilaalo ku hayeen.
Marxuumka oo bartamihii 1990-aadkii qaxootinimo ku tegay dalka Kanada ayaa la sheegay in sannadkii 2012-kii la xiray, kadib, markii uu toogasho geystay, waxaana loo gudbiyey Waaxda Baaritaanadda ee Hay’adda Socdaalka Kanada.
Xabsi ku yaalla Bariga magaalladda Ontario ayaa loo gudbiyey, iyadoo lagalana noqday Qaxootinimadda, isla markaana la sheegay in la soo masaafurin doono.
Dhinaca kale, Soomaali ku xiran dalka Kanada ayaa la sheegay inay bilaabeen inay cuntada ka soomaan, iyagoo ka cabanayo xaalladda xabsiyadda ay ku jiraan oo ku yaalla magaalladda Toronto.
© Warqabadka Dalsan Radio