• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Tuesday, June 24, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo Soo dhoweeyey Tallaabada Dowladda Soomaaliya ee Dib-u-eegista Go’aanka Maxkamada Sare.

Dalsan Editor by Dalsan Editor
February 11, 2016
in Warar
Reading Time: 4 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa soo dhoweeyay go’aanka Garyaqaanka Guud ee dalka Dr. Cismaan Cilmi Guuleed kaas oo uu uga hadlayay go’aankii ay maxkamadda sare ee dalka soo saartay ee dhanka ahaa ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ iyo Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee (FESTU), kuna sheegay xukunkaas mid aan sharciga waafaqsan, kana digay in aan lagu kedsoomin, isagoona ka qaatay Dib u eegis oo uu sharciga u ogol yahay, isagoo u mari doono sifaha sharciga u ogolyahay.

Garyaqaanka Guud ee dalka oo dacwadaas ku metelayay Wasaaradaha Warfaafinta iyo Shaqada iyo Shaqaalaha sheegay in Mowduuca dacwadaasi uu ahaa “FARAGELIN”, sheegayna inay ahayd in xukunku uu ku baxo dhinacyadii dacwaddu ka dhexeysay, balse nasiib darro ku tilmaamay in “xukunkii ku soo baxay labo qeybood oo aan meesha joogin in loo garnaqay. Uuna garaneyn sababta Xafiiska Garyaqaanka Guud loogu yeeray.

“Ururka Saxaafadda waa xirfadley madaxbanaan, haddii la dacweeyana qareen bay qabsanayaan, Xafiiska Garyaqaanka Guudna qareen uma ah.” Ayuu yiri Dr. Cismaan Cilmi Guuleed oo warbaahinta kula hadlayay xafiiskiisa, isagoo intaa ku daray in dulucda dacwada iyo xukunka aanay is waafaqsaneyn; kuna sababeeyay

  1. In marka hore labo kooxood oo aan meesha joogin loo garnaqay, xafiiska garyaqaanka guudna waxa loogu yeeray ma garanayo
    2. Qof walba oo muwaadin ah marka la dacweeyo wuxuu xaq u leeyahay in uu is difaaco, kooxdii dacwau ku soo baxday sida xukunka sheegayo wax baa laga xukumay meesha ma joogin, laguma martiqaadin.
    3. Haddii dacwadu ku bilaabatay, dacwo maamul ay ka dhexeyso qeyb ka mid ah ururka saxaafada iyo wasaaraqdaha dowladda waxay ahayd in ay ku dhamaato wasaaradaha dowladda. Haddii dacwada dhexdeeda wax kale ka soo baxaan waxay ahayd in in qaabka dacwadda u dhisan tahay in uu isbedelo ayay ahayd, taasna ma dhicin. Sidaasi darteedna ku tilmaamay dacwaddani inaysan waafaqsaneyn sharciga.

Garyaqaanka Guud ee dowladda Dr. Cismaan Cilmi Guuleed ayaa intaa ku daray in dacwaddani ka qaadan doono dib u eegis sida sharciga ogol yahay. Isagoo intaa raaciyay in uu ka codsan doono maxkamadda sare in saddex Garsoore oo cusub lagu qoro, lagana bedelo kuwii dacwada horey u galay sida uu qabo sharciga, maadama aysan sharciga waafaqsaneyn. Si qoraal ahna ay ku weydiisan doonaan maxkamadda Sare ee dalka.

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) ayay la yaab ku noqotay markii ay maqleen in xukunka maxkamada sare oo ururada NUSOJ iyo FESTU aanu qeyb hore uga ahayn, balse xukunka iyaga iyo masuuliyiintooda ku dhacay, taasoo, taasoo Xoghayaha Guud ee Ururka NUSOJ, Maxamed Ibrahim ku sheegay go’aan xaqdarro ah oo isaga iyo Ururada uu metelaba xuquuqdoodii dastuuriga ahayd meel uga dhacay.

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ waxa uu u mahadceliyey dhamaan bahda saxaafadda ee ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisa ee muujiyey midnimada iyo garab istaagga hoggaanka Ururka, waxa uu sidoo kale u mahadceliyey dowlidihii iyo hay’adihii ka dhiidhiyay xukunkaas xaqdarrada, kuna garab istaagay suxufiyiinta Soomaaliyeed sidii ay u heli lahaayen inay helaan xuquuqdooda sharciga ah.

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa kula dardaarmay dhamaan saxafiyiinta Soomaaliyeed iyo bahda warbaahinta dalka iyo dibadaba inay wadaan dadaalkooda ay kula garab taagnaayeen masuuliyiinta Ururka NUSOJ, Illaa ururka oo metela Suxufiyiinta Soomaaliyeed guud ah uu helayo caddaalad.

Previous Post

Muwaadin Somali oo la dilay, kuwo kalena lagu dhaawacay dalka Koonfur Afrika.

Next Post

STATEMENT OF SOLIDARITY FROM MEDIA ASSOCIATION FOR PUNTLAND

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Iran ku Qaadday Qatar
Warar

Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Iran ku Qaadday Qatar

June 24, 2025
Soomaaliya oo si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Iran ku Qaaday Saldhigga Mareykanka ee Qatar
Warar

Soomaaliya oo si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Iran ku Qaaday Saldhigga Mareykanka ee Qatar

June 24, 2025
Iran oo Gantaallo Ku Weerartay Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Qatar
Caalamka

Iran oo Gantaallo Ku Weerartay Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Qatar

June 24, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Ka Qeybgalay Daahfurka Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Ka Qeybgalay Daahfurka Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka

June 23, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Daahfuray Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Daahfuray Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka

June 23, 2025
“Xamsa Barre: Looma Laabanayo Doorasho Dadban”
Warar

“Xamsa Barre: Looma Laabanayo Doorasho Dadban”

June 23, 2025
Next Post

STATEMENT OF SOLIDARITY FROM MEDIA ASSOCIATION FOR PUNTLAND

Somalia Denounces Iran’s Missile Strike on U.S. Base in Qatar, Urges Restraint Amid Rising Gulf Tensions

Somalia Denounces Iran’s Missile Strike on U.S. Base in Qatar, Urges Restraint Amid Rising Gulf Tensions

by Gesey Liban
June 24, 2025
0

Mogadishu, Somalia – In a strong and swift response to rising tensions in the Gulf, the Federal Government of Somalia...

Former Somali Presidents Condemn Iranian Missile Strike on Qatar as “Unacceptable Aggression”

Former Somali Presidents Condemn Iranian Missile Strike on Qatar as “Unacceptable Aggression”

by Gesey Liban
June 24, 2025
0

Two former Somali presidents, Mohamed Abdullahi Farmaajo and Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, have strongly condemned Iran’s missile attack on the...

Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Iran ku Qaadday Qatar

Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Iran ku Qaadday Qatar

by Ilhaan
June 24, 2025
0

Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii gantaallaha ahaa...

Soomaaliya oo si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Iran ku Qaaday Saldhigga Mareykanka ee Qatar

Soomaaliya oo si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Iran ku Qaaday Saldhigga Mareykanka ee Qatar

by Ilhaan
June 24, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarkii gantaallaha ahaa ee ay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ku qaaday...

Somalia Denounces Iran’s Missile Strike on U.S. Base in Qatar, Urges Restraint Amid Rising Gulf Tensions
English News

Somalia Denounces Iran’s Missile Strike on U.S. Base in Qatar, Urges Restraint Amid Rising Gulf Tensions

June 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Former Somali Presidents Condemn Iranian Missile Strike on Qatar as “Unacceptable Aggression”
English News

Former Somali Presidents Condemn Iranian Missile Strike on Qatar as “Unacceptable Aggression”

June 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Iran ku Qaadday Qatar
Warar

Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Iran ku Qaadday Qatar

June 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Soomaaliya oo si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Iran ku Qaaday Saldhigga Mareykanka ee Qatar
Warar

Soomaaliya oo si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Iran ku Qaaday Saldhigga Mareykanka ee Qatar

June 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Iran oo Gantaallo Ku Weerartay Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Qatar
Caalamka

Iran oo Gantaallo Ku Weerartay Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Qatar

June 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Breaking: Iran Launches Retaliatory Missile Strikes on U.S. Base in Qatar, Raising Gulf Tensions
English News

Breaking: Iran Launches Retaliatory Missile Strikes on U.S. Base in Qatar, Raising Gulf Tensions

June 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somalia Denounces Iran’s Missile Strike on U.S. Base in Qatar, Urges Restraint Amid Rising Gulf Tensions
  • Former Somali Presidents Condemn Iranian Missile Strike on Qatar as “Unacceptable Aggression”
  • Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Iran ku Qaadday Qatar
  • Soomaaliya oo si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Iran ku Qaaday Saldhigga Mareykanka ee Qatar

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00