Muwaadin Somali oo la dilay, kuwo kalena lagu dhaawacay dalka Koonfur Afrika.

Nin Somali ah ayaa la dilay, 3 kalena waa la dhaawacay, kadib, markii ay kooxo hubeysan ku weerareen Degmadda Brits oo ee Gobalka W/galbeed ee dalka Koonfurta Afrika.

Afhayeenad u hadashay Boliska Degmadda Britos ee dalkaasi, oo lagu magacaabo Saddex Alifle Kelebogile Moleko ayaa sheegtay inay 5 nin oo hubeysan ay weerar ku qaadeen 4 Ganacsato  Somali ah, kuwaasi oo ku sugnaa Dhismo Ganacsi oo aad u mashquul badan oo ku yaalla Degmadda Britos ee caanka ku ah Dalxiiska, una dhow Degmadda kale ee Tshwane.

Weerarkaasi oo dhacay Galabnimaddii Talaadada ee la soo dhaafay, ayaa la sheegay in Dhibanayaasha la soo weeraray, xilli ay ku hawlanayaan inay kala habeeyaan Badeeco ay lahaayeen.

Afhayeenadda Boliska ayaa sheegtay inay Dableyda weerarka soo qaaday oo tiradooda lagu qiyaasay 5 nin  rasaas ku fureen Ganacsatada Soomaalida, ka hor intaysan ku baxsanin gaari aan wax Taariko ah lahayn.

Afhayeenadda waxay sheegtay in mid ka mid ah Ganacsatadda uu ku geeriyooday  Isbitaalka Degmadda Britos, halka saddexda kalena lala tacaalayo xaalladooda caafimaad.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dableyda weerarka geystay u muuqaal ekaayeen dadka Soomaalida, balse ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijin kara Haybta Dableydaas.

Ma cadda ujeedada ka dambeysay weerarkaasi lagu dilay Ganacsade Somali, laguna dhaawacay 3 kale, mana jirto ciday Boliska u soo xireen Dhacdadaasi. falkaasi.

©Radio Dalsan      

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor