Fannanka caanka ee Nimcaan Hilaac oo xalay lagu xiray Caasimadda dalka Sudan ee Khartoum ayaa waxa uu maanta dib u helay Xorriyadiisa, kadib, markii la bixiyey Ganaax Lacageed oo lagu xukumay.
Maxkamad ku taalla Xaafadda Deym ee magaalldda Khrtoum ayaa Fanananka saakayto la soo taagay, iyadoo lagu soo oogay inuu Fasax la’aan Bandhig Faneed ka dhigay Hool ku yaalla magaalladda Khartoum.
Waxayna Maxkamadda ku xukuntay ganaax lacageed ou dhigma 1,500-Dollar iyo in la soo masaafuriyo.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Radio Dalsan inay Safaaradda, Ardayda iyo Jaalliyadda Soomaalida gacan ka geysteen sidii loo loo bixin lahaa Ganaaxa lagu xukumay oo dhamaa 1,500-Dollar.
Haatan, Fannaanka waxa uu dib u helay Xorriyadiisa, wuxuuna xarigiisa ku dhacay si qalad ah, iyadoo Qabnanqaabiyayaashii Bandhig Faneedka horey ugu sheegeen Maamulka Khartoum inay dhiganayaan Xaflad Aroos, balse markii dmbe la ogaady inuu ahaa Show ay dad badan daawanayeen.
Waa markii ugu horreysay ee ay Hay’addaha Ammaanka Sudan xiraan Fannaan Soomaliyeed, iyadoo Hab Masrixiyadda Labada Waddan si aad ah isugu muuqaal eg yahay.
Fannaaniinta Soomaalida iyo kuw Sudan waxay xilli Berri-samaadka is-dhaafsan jireen Booqasho la xiriirta Masrixiyadda Fanka iyo Dhaqanka.
©Radio Dalsan