• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Friday, May 9, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Soomaaliya oo 63 jir ah aan dib u milicsanno taarikhdeena ku salaysan adkeysiga, soo kabashada iyo horumarka

Dalsan Editor by Dalsan Editor
July 1, 2023
in Warar
Reading Time: 7 mins read
A A
Soomaaliya oo 63 jir ah aan dib u milicsanno taarikhdeena ku salaysan adkeysiga, soo kabashada iyo horumarka
3
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Maanta oo ay taarikhdu tahay kowda bisha Luulyo waxaan u dabaaldageynaa maalintii aan hananay xoriyadeena, 63 sanno ka hor. Waa in aan dib u milicsano taarikhdeena ku salaysan adkeysiga iyo horumarka, iyadoo aan mar walba wajaheynay dhibaatooyin aan kala joogsi lahayn. Taariikhdeena, oo ay ka buuxaan tijaabooyin iyo dhibaatooyin tan iyo markii aan dka xorownay gumeysiga 1960-kii, ayaa tusaale inoogu filan geesinimadeena iyo go’aankeena.

Maanta, marka aan dib eego taarikhdeena waxaa dhiiri-gelin ii ah ereyadii qoraagii iyo mufakirkii maraykanka ahaa ee wax badan wax ka qoray siyaasada ee Thomas Paine, ee ahaa “Mar walba oo ay colaada sii dheeraato, waxa sii macananaysa guusha. Wixii si fudud lagu hataa si fidud ayaa klagu lumiyaa.Waan jeclahay ninka awooda in uu muusoodo isaga oo dhibaato wajahaya, xoog iyo karti ka qaada mushkilada haysata, geesinimana ka qaada marka uu dib u milicsado waxa uu soo maray”. Halgankeena dal ahaan waxa uu xambaarsan yahay sheeko-balaaran oo wax badan la wadaagta halganka wadamada qaarada Afrika ee iska xoreyntii gumeysiga iyo himilooyinka soo socda ee kobaca qaranka.

Runtii, si la mid ah wadamo badan oo qeyb ka haa mowjadaha gumeysi iska- xoreynta, waxan la kulannay dib-u-dhacyo iyo xanuunno isa soo taraya, laakiin weli taas nama niyad jabin.  Tusaale, u gudubka hidaha dhaqanka iyo ilaalinta afkeena iyo dhaqamada afkayagu waxay marag u noqdeen adkeysi dhaqameedkeena tan iyo xoriyada, si la mid ah sida ay Ireland ugu fara adeegtay luuqadeeda Gaeilge iyo sida New Zealand dib ugu soo noolaysay luuqadeeda Te Reo Maori.

Maanta, aan dib u cusboonaysiinno ballanqaadkeenna ah ilaalinta dhaqankeena hodanka ah si ay uga faa’ideystaan jiilka mustaqbalka. Dhinaca kale, waxa marnaba aan la iska indha tiri kerin halista ay wajahayaan waxyaabaha dhaxal-galka ah sida goobaha taariikhiga ah iyo farshaxanada laga soo bilaabo Dhulkii Puntland ee qadiimiga ahaa ilaa Saldanaddii Geledi. Dagaallada sokeeye ee daba dheeraaday, masiibooyinka deegaanka, iyo sida aanan awooda ugu lahayn ilaalinta degaanka ayaa ah arrimo walaac nagu haya. Hasayeeshe, talaabooyinka ku dayashada mudan ee ay qaadeen Talyaaniga iyo Giriiga ee ku aadan ilaalinta bay’ada ayaa dhiiri-gelin inoogu filan.

Sidoo kale aynu xasuusanno waxtarka muhiimka ah ee qurba-joogta, oo si la mid ah qurba joogtii dalalka Hindiya iyo Filiapiin wax badan ka badelay xaaladda wadamadooda.Dadaalkooda dhinaca dhaqaalaha, maal-gashiga iyo ganacsiga waxa  uu gacan weyn ka gesytay kobaca dhaqaalaha dalkeena iyo horumarka guud. Waxa sidoo kale xusid mudan sida ay ula qabsadeen, ulana noolaadeen umadihii kala duwanae ee ay ugu tageen dalalka shisheeye.

Taarikhdeeno waa in aan sidoo kale ku xusnaa dadaalka shirkadaha ganacsi ee sida gaarka ah loo leeyahay inagoo dhiiri-gelin ka dhiganayno horumarka ay shirkadaha gaarka ah ka sameeyeen wadamada ay ka mid yihiin Malaysiya, Singapore, iyo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo ka faa’iidaystay shirkadaha gaarka ah.

Waxa waajib nagu ah in aan ka faa’ideysano hal-abuurka iyo qaababka kala duwan ee lagu kobcin karo dhaqaalaha. Waa in aan diirada saarno ka faa’ideysiga iyo kobcinta xoolaheena, beeraheena iyo warshadaha kalluumeysiga, kuwaas oo muhiim u ah haqab-beelka cuntada. Aynu qaadano dhaqamo waara, teknooloji cusub, iyo sharci adag, inagoo tusaale ka dhiganayna wadamada ku wanaagsan qaybahan.

Maanta, annagoo xusayna sannad-guurada 63-aad ee ka soo wareegtay xoriyadeena waxa guul inoo ah in aan rajeneyno in naga la cafiyo deymihii ay mudada dheer nagu lahayeen wadamada shisheeye, anigoo u marayna hanaanka deyn cafinta ee loo soo gaabsho HIPC. Ma aha guul uu qof shaqsi ah gaaray, balse waa mid aan dhamaanteen gaarnay. Marka la soo gabagabeeyo hanaanka deyn cafinta dhamaadka sanadkan 2023-da, waxaan rajenaynaa in aan cagta saari doono wado cusub oo aan uga faa’ideysan karno hanaanka maaliyada ee caalamiga iyo madax banaanida dhaqaalaheena.

Hanaanka Federaalka oo ah weli ah fikarad ku cusub dalkeena ayaa waxa uu ifiyey caqabado ku aaddan adkeynta dastuurkeenna iyo qaabka dowladnimo. Waxaan cashirro ka qaadan karnaa sida uu ugu dhaqan-galay hanaanka federaalka wadamada sida Jarmalka iyo Kanada si aan u kala saarno mas’uuliyadaha ka dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, si loo hubiyo in dastuurkeena uu waafajiyo rabitaanka Soomaalida oo dhan. Aynu sii wadno hawsha muhiimka ah ee dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka si loo horumariyo xasilloonida siyaasadeed iyo sareynta sharciga.

Taariikhda xanuunka badan iyo qisooyinka Rwanda iyo Laybeeriya waxay ina xasuusinayaan in laga gudbi karo dhibaatooyinka ka dhasha colaadaha. Sannad-guurada 63-aad, ujeeddooyinkeenna koowaad waa in ay noqdaan ka shaqeynta nabadda, dib-u-dhiska dalka colaadda ka dib iyo sara u qaadida wada-noolaanshaha.

La-dagaalanka xag-jirnimada maaha oo keliya ammaan balse sidoo kale kasbashada quluubta iyo maskaxda. Waxaan u baahanahay inaan wax ka barano dalal ay ka mid yihiin Malaysiya, Indonesia, iyo Turkiga oo si guul leh wax uga qabtay sababaha asaasiga ah ee xagjirnimada, oo inta badan ka dhasha kala duwanaanshaha dhaqan-dhaqaale iyo caddaalad-darro la dareemay.

Anaga oo dalka Koonfur Afrika uga dayaneyna hanaanka dib u heshissinta ee ku salaysan in runta la isu sheego, waa in aan qaadanaa istaraatiijiyad dib-u-heshiisiineed oo dhamaystiran. Sida Mahatma Gandhi mar uu yiri, “Qofka daciifka ah waligiis wax ma cafin karo, wax cafinta waa sifada kuwa xoogga badan.”

Dal ahaan waxa ina soo maray dhacdooyin aad u xanuun badnaa, sida keliya ee aan wax uga badeli karno nolosheena, dad nimadeena iyo qarankeena waa in dhacdooyinkaas ay noqdaan kuwo aan wax baranay si la mid ah sida ay sameeyeen wadamada ay ka mid yihiin Rwanda iyo Yugoslavia kuwaas oo hoosta ka xaqiiqay muuhimada ay leedahay in mar walba la xoojiyo dowladnimada iyo midnimada.

Dabaal-deg iyo sanad guuro wacan- Soomaaliya hanoolaato.

Ku saabsan Qoraaga, Dr Mohamed Osman Mohamoud, PhD, waa La-taliyaha Dhaqaalaha Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya. Sidoo kale waa Xubin ka tirsan Golaha Dhaqaalaha Qaranka, wuxuuna u shaqeeyaa sidii Wakiil goboleed ee Jaamacadda Qaramada Midoobay ee Nabadda. Marka laga yimaaddo doorkii uu ka soo qabtay hay’adaha dawladda iyo kuwa caalamiga ah, Dr. Maxamuud waa aasaasihii iyo maamulaha Machadka Sadar. Waxaad kala socon kartaa qoraaga bartiisa Twitter-ka ee @MohamedOsmanSom

Previous Post

Uganda is safe and secure despite Somalia and Kasese setbacks : Museveni asserts

Next Post

Sawirro: Madaxda DF iyo Dadweyne farabadan oo ka qeyb galay Xuska 1-da Luuliyo

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.
Warar

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.

May 8, 2025
Trump oo Qasa u Wado Maamul KMG ah oo Mareykan Hoggaaminayo
Caalamka

Trump oo Qasa u Wado Maamul KMG ah oo Mareykan Hoggaaminayo

May 8, 2025
DFS oo Maamul Cusub ka Abaabuleysa Jubbaland
Warar

DFS oo Maamul Cusub ka Abaabuleysa Jubbaland

May 8, 2025
“Falcelinta Shacabka Kadib Weerarradii Pakistan iyo Hindiya”
Warar

“Falcelinta Shacabka Kadib Weerarradii Pakistan iyo Hindiya”

May 7, 2025
“Shirka Xisbiga Caddaaladda oo Hakad Ku Yimid
Warar

“Shirka Xisbiga Caddaaladda oo Hakad Ku Yimid

May 7, 2025
Guddoomiyaha SoDMA oo Kenya Ka Daah-furay Mashruuc Wacyigelineed oo $40 Milyan Ah
Warar

Guddoomiyaha SoDMA oo Kenya Ka Daah-furay Mashruuc Wacyigelineed oo $40 Milyan Ah

May 7, 2025
Next Post
Sawirro: Madaxda DF iyo Dadweyne farabadan oo ka qeyb galay Xuska 1-da Luuliyo

Sawirro: Madaxda DF iyo Dadweyne farabadan oo ka qeyb galay Xuska 1-da Luuliyo

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.

by Ilhaan
May 8, 2025
0

kulanka 11-aad ee Guddiga joogtada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa...

Federal Government Plots New Regional Administration in Jubbaland Amid Escalating Tensions

Federal Government Plots New Regional Administration in Jubbaland Amid Escalating Tensions

by Liban
May 8, 2025
0

The Federal Government of Somalia (FGS) has unveiled a contentious plan to establish a new autonomous administration in Jubbaland, in...

National Consultative Council Issues Communiqué After Key Meeting in Mogadishu

National Consultative Council Issues Communiqué After Key Meeting in Mogadishu

by Dalsan Editor
May 8, 2025
0

The National Consultative Council (NCC) released an official communiqué on Wednesday evening following the conclusion of its recent summit held...

Former Somali President Farmaajo Accuses President Hassan Sheikh of Undermining National Consultative Forum

Former Somali President Farmaajo Accuses President Hassan Sheikh of Undermining National Consultative Forum

by Dalsan Editor
May 8, 2025
0

Former Somali President Mohamed Abdullahi Farmaajo has strongly criticized President Hassan Sheikh Mohamud, accusing him of sabotaging the National Consultative...

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.
Warar

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Federal Government Plots New Regional Administration in Jubbaland Amid Escalating Tensions
English News

Federal Government Plots New Regional Administration in Jubbaland Amid Escalating Tensions

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
National Consultative Council Issues Communiqué After Key Meeting in Mogadishu
English News

National Consultative Council Issues Communiqué After Key Meeting in Mogadishu

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Former Somali President Farmaajo Accuses President Hassan Sheikh of Undermining National Consultative Forum
English News

Former Somali President Farmaajo Accuses President Hassan Sheikh of Undermining National Consultative Forum

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia and UK discuss enhancing Defence Partnership
English News

Somalia and UK discuss enhancing Defence Partnership

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Swedish Police Train Somali CID Officers in Forensic Crime Scene Investigation
English News

Swedish Police Train Somali CID Officers in Forensic Crime Scene Investigation

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.
  • Federal Government Plots New Regional Administration in Jubbaland Amid Escalating Tensions
  • National Consultative Council Issues Communiqué After Key Meeting in Mogadishu
  • Former Somali President Farmaajo Accuses President Hassan Sheikh of Undermining National Consultative Forum

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00