• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Thursday, July 17, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Soomaaliya iyo Itoobiya oo wajigii saddexaad isu arkaaya bishan.

Dalsan Editor by Dalsan Editor
September 8, 2024
in Warar
Reading Time: 3 mins read
A A
Soomaaliya iyo Itoobiya oo wajigii saddexaad isu arkaaya bishan.
47
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Wejiga saddexaad ee wada-xaajoodka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, oo uu Turkigu dhexdhexaadiye ka yahay, ayaa la filayaa in dib uga furmo magaalada Ankara 17-ka bishan September. Wada-xaajoodkan ayaa qeyb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xallinayo khilaafka sii xoogeysanaya ee labada dal ku saabsan arrimo dhowr ah, oo ay ugu weyn tahay heshiiskii is-afgaradka ee badda ee Itoobiya la gashay maamulka Somaliland.

Dowladda Turkiga ayaa laba wareeg oo hore u kala dab-qaaday labada waddan kadib wada-hadallo aan toos ahayn oo ka dhacay magaalada Ankara balse labadaasi wareeg ee wada-xaajoodka ayaa ku dhammaaday natiijo la’aan.
Soomaaliya ayaa ku adkaysatay in marka hore Itoobiya ka laabato is-afgaradkii badda ee ay la gashay maamulka Somaliland si wada-xaajoodku u guulaysto halka Itoobiya dalbatay in marka hore loo caddeeyo wixi ay ku beddelan lahayd ka-laabashada Is-afgaradkaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysanaysa in Itoobiya marka hore ka laabato is-afgaradkii badda ee ay la gashay Somaliland, taas oo Soomaaliya ay u aragto mid baalmarsan qaranimada iyo madax-bannaanida dalka. Soomaaliya waxay ka cabsi qabtaa in heshiiskaasi uu saameyn ku yeesho kheyraadka badda ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha shidaalka iyo kalluumeysiga.

Dhinaca kale, Itoobiya waxay dalbanaysaa in marka hore loo caddeeyo waxa ay ka heli karto ka laabashada is-afgaradkaasi, taasoo muujineysa in labada dhinac weli si weyn ugu kala fog yihiin mowqifyadooda. Xaaladda u dhexeysa labada dal ayaa si gaar ah cirka isku shareertay tan iyo markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, uu is-afgaradka la saxiixday Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi, heshiiskaas oo dowladda Federaalka Soomaaliya ay si adag uga hortimid.

Dhanka kale, Soomaaliya ayaa dhowaan heshiis iskaashi millateri la saxiixatay dalka Masar, kaas oo qayb ka ah taageerada milatari ee Soomaaliya ka hesho wadamada dibadda. Heshiiskan ayaa la sheegay inuu keeni doono in ciidamo Masaari ah loo soo diro Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (ATMIS). Arrintan ayaa sii kordhisay cadhada Itoobiya, oo muddo dheer ka soo horjeedday saameynta millatari ee Masar ku leedahay gobolka, gaar ahaan muranka biyo-xireenka Wabiga Niil.

Wada-xaajoodkan ayaa loo arkaa mid muhiim ah, maadaama xiriirka labada dal uu hoos u sii dhacayo, iyadoo Turkiga uu ka shaqeynayo in uu xal u helo xiisadaha sii xoogeysanaya. Haddii wada-xaajoodka cusub uu ku dhammaado natiijo la’aan, waxaa laga yaabaa in xiisadda labada dal ay sii xumaato, taasoo saameyn ku yeelan karta gobolka Geeska Afrika.

Previous Post

FAAH FAAHIN:Hooniyeyaal Xalay lahu garaacay Muqdisho iyo khasaaraha ka dhashay.

Next Post

Saraakiil Sar Sare Oo Maraykan Ah Oo Aadey Furimaha Dagaalka Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
Warar

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

July 16, 2025
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
Warar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

July 16, 2025
Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya
Warar

Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

July 16, 2025
Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir
Warar

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir

July 15, 2025
Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay
Warar

Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay

July 15, 2025
“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”
Warar

Booliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad Ku Qaadeen Guri Xukun Maxkamadeed Leh

July 15, 2025
Next Post
Saraakiil Sar Sare Oo Maraykan Ah Oo Aadey Furimaha Dagaalka Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Saraakiil Sar Sare Oo Maraykan Ah Oo Aadey Furimaha Dagaalka Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

by Ilhaan
July 16, 2025
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka Itoobiya (NISS) ayaa ku dhawaaqday inay xireen 82 qof oo lagu eedeeyay inay ka tirsan...

Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland

Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland

by Liban
July 16, 2025
0

Addis Ababa – Ethiopia’s national intelligence agency has announced the arrest of 82 individuals suspected of being members of the Islamic State...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

by Ilhaan
July 16, 2025
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay rabshadihii dhawaan ka dhacay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag, iyadoo...

Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

by Liban
July 16, 2025
0

Mogadishu – The Federal Government of Somalia has officially called on Puntland authorities to immediately halt hostilities in the Dhahar district of the...

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
Warar

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland
English News

Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
Warar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm
English News

Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya
Warar

Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia and Algeria Deepen Educational Ties in High-Level Diplomatic Meeting
English News

Somalia and Algeria Deepen Educational Ties in High-Level Diplomatic Meeting

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
  • Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland
  • Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
  • Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00